Madaxweynaha Shiinaha oo la hadlay dhigiisa Ukraine

0
361
This combination of file photos shows China's President Xi Jinping, taken in Bangkok, Thailand, on Nov. 19, 2022, and Ukrainian President Volodymyr Zelenskyy taken outside Kyiv, Ukraine, on April 7, 2023. Chinese leader Xi talked Wednesday, April 26, 2023, with Ukrainian President Zelenskyy by phone and appealed for negotiations in Russia's war against his country, warning "there is no winner in a nuclear war," state media said, in a long-anticipated conversation after Beijing said it wanted to act as peace mediator. (AP Photo, File)

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray dhigiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy markii ugu horreysay tani iyo intii ay dowladda Ruushka billowday duullaan militari oo baaxad leh oo ka dhan ah xukuumadda Kyiv.
Shiinaha ayaa sheegay inuu doonaya inuu Ukraine u diro ergey dhexdhexaadiye ah oo raadinaya xal siyaasadeed.
Labada mas’uul ayaa wada hadlayay ku dhawaad hal saac.
Sida uu sheegay hoggaamiyaha Ukraine, wada hadalka dhex maray isaga iyo dhigiisa Shiinaha ayaa ahaa mid dheer oo wax ku ool ah.
Qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu rajeynaya inuu sii xoogeysto xiriirka ka dhexeya labada dal.
Waxay tani ku soo aadaysa ka dib safarkii uu madaxweynaha Shiinaha bishii hore ku tagay magaala madaxda Ruushka ee Moscow.
Hoggaamiyaha Shiinaha ayaa sheegay in xukuumadda Beijing aynan fiirsan doonin in dagaalka uu sii socdo oo ay garab siin doonto nabadda.