Dowladda oo sheegtay in cid kasta dembigeeda loo qabanaya

0
206

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday inuunan jiri doonin qof aan lagula xisaabtamin dembi uu galay.
Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa xildhibaannada baarlamaanka u sheegay inaynan jirin cid sharciga ka sarreysa.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ka jawaabayay su’aal uu waydiiyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wah oo ahayd sida ay dowladda ula tacaalaysa kooxaha burcadda ee soo badanaya.
Xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ayaa walaac ka muujiyey in kooxdii la mamnuucay ee Mungiki ay si tartiib ah isku uruursanayaan.
Waxaa uu Kimani Ichung’wah ku doodaya inuu arkay xubno ka mid ah kooxdan xilli shalay uu qalalaase ka dhacay xarunta xisbiga Jubilee ee xaafadda Kileleshwa ee magaalada Nairobi.
Hasa ahaate Mudavadi ayaa xildhibaannada u xaqiijiyey in iyadoo loo maraya wasaaradda arrimaha gudaha iyo adeegga qaran ee booliiska aanan marnaba fursad la siin doonin koox halis ku ah xasiloonida guud ee dalka.