Ismaamullada oo loo kordhiyay miisaaniyadda ay siiso dowladda sare

0
394

Dowladda sare ayaa lacag dhan 15.4 bilyan oo shilin ku kordhisay miisaaniyadda sanadlaha ah ee ay siiso ismaamullada ee la doonaya inay qaybsadaan.
Waxay tani micnaheedu tahay in dowlad deegaannada ay sanad maaliyadeedka 2023/2024-ka heli doonaan lacag dhan 385.4 bilyan halka sanadkii hore la siiyay 370 bilyan.
Lacagtan ayaa u dhiganta boqolkiiba 23 ee dakhligii 2019/2020 oo ah midkii ugu dambeeyay ee uu baarlamaanka ku sameeyay dabagal dhanka hanti dhowrka ah.
Miisaaniyadda la kordhiyey ayaa timid ka dib markii uu madaxweynaha dalka William Ruto saxiixay hindisaha qaybsashada dakhliga ee uga soo gudbay baarlamaanka.
Si hoos loogu dhigo isku dheelli tirnaan la’aanta dhanka horumarka ee dalka waxaa sanduuqa deegaannada dhinaca horumarka ku dambeeya ee Equalisation Fund loo qoondeeyay 8.3 bilyan.
Tani ayaa ah koror dhan 1.2 bilyan oo shilin marka loo barbardhigo miisaaniyaddii hore ee ahayd 7.1 bilyan.
Sidoo kale ismaamullada ayay dowladda dhexe u qoondeyn doontaa 11.1 bilyan oo dheeraad ah waxayna helayaan ilaa 33.2 bilyan oo shilin oo ah dhaqaalaha ka soo baxo deymaha .
Tallaabada uu madaxweynaha dalka qaaday ayaa waddada u xaareysa diyaarinta miisaaniyad sanadeedka 2023/2024-ka.