QM oo qalbi-jab ku tilmaantay dagaallada Suudaan

0
284

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa rabshadaha iyo qalalaasaha weli ka taagan dalka Suudaan ku tilmaamay mid qalbi jab ah.
Waxaa uu kulanka golaha ammaanka ee qaramada midoobay ka sheegay in dagaalka Suudaan uu ku sii fidi karo dalalka kale ee gobolka.
Mas’uulkan ayaa xusay in Suudaan ay xad la wadaagto toddobo dal oo dhammaantood ay dagaallo ama kacdoon shacab ka dhaceen tobankii sano ee ugu dambeeyay.
Antonio Guterres ayaa dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan ee ciidamada militariga iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF ugu baaqay inay aamusiiyaan dhawaqa rasaasta.