
Dowladda Jarmalka ayaa soo gabagabeysay howlaha daadgureynta gudaha dalka Suudaan.
In ka badan 700 oo qof ayay dowladda dalkaasi ka saartay gudaha Suudaan.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Jarmalka ayaa qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka ku sheegtay in 200 oo dadkan ka mid ah ay yihiin muwaadiniinta u dhashay wadankaasi si loogu celiyo dalkooda hooyo.



