Roobabka culus oo la filaya inay sii da’aan ilaa Sabtida

0
430

Waaxda saadaasha hawada ee  dalka ayaa sheegtay in la  rajeynaya in roobab culus oo ka da’aya qaybo ka mid ah wadanka ay sii jiraan ilaa Sabtida soo socoto ee 29-ka bishan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday  agaasimaha waaxdan Dr. David Gikungu.
Waxaa uu sheegay in roobabka  ay heer ahaan gaari  karaan 30 milimitar  gaar ahaan dhanka buuraha  sare ee bariga dalka, Nairobi ,Koonfurta  iyo Bartamaha Rift Valley, meelaha joog ahaan hooseeya  ee Koonfurta Bari , dhanka Koonfurta Xeebeed  iyo qayaha Waqooyi Bari.
Waxaa uu  agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee dalka  sheegay in meelaha walaaca laga muujinaya  ay ka mid  tahay Kiambu sidaasi awgeedna dadweynaha  halkaasi ku nool uu ku boorrinaya inay ka  taxadaraan daadadka.