Taalibaan oo sheegtay in la dilay hoggaamiye ka tirsan ISIS

0
261

Dagaalyahaannada Taalibaan ayaa lagu soo warramaya inay dileen mid ka mid ah hoggaamiyaasha kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.
Hor joogaha ISIS ayaa lala xiriiriyay fulinta weerar ismiidaamin ah oo bishii Siddeedaad ee sanadkii 2021-kii laga gaystay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.
Qaraxa oo xilligaasi ka dhacay iridda laga galo garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee Hamid Karzai ayaa waxaa ku dhintay 170 qof oo u dhashay Afghanistan iyo 13 ka mid ah ciidamada Maraykanka xilli ay saraakiisha dalkaasi ka baxayeen.
Hoggaamiyaha ISIS ee aan weli magaciisa la shaacin ayaa looga takhalusay Koonfurta Afghanistan.