Qaramada Midoobay oo dhaliil u jeedisay dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan

0
272

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaynan jirin wax astaamo ah oo muujinaya in ciidamada qalabka sida ee dalka Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF ay diyaar u yihiin inay ka wada xaajoodaan soo afjaridda dagaalka u dhexeya.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday ergeyga Qaramada Midoobay ee Suudaan Volker Perthes oo golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa warbixin ku siinayay magaalada New York ee Maraykanka.
Waxaa uu ergeyga xusay in labada dhinacba ay aaminsan yihiin inay guul ka soo hoyn karaan isku dhacyada.