Musalia Mudavadi oo galabta ka soo hormuuqan doono baarlamaanka

0
389

Waxaa abaare 3-da galabnimo ee maanta golaha qaran ee xeer dejinta hor tagi doono madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi.
Musalia ayaa ka jawaabi doono su’aallaha mudanayaasha baarlamaanka oo ay ka mid tahay tallaabooyinka ay qaadday dowladda dhexe ee lagu yareynaya qiimaha badeecooyinka muhiimka ah iyo shidaalka.
Sidoo kale Mudavadi ayaa faahfaahin ka bixin doono sida loola tacaalaya hoos u dhaca ku yimid qiimaha shilinka wadanka marka loo barbardhigo lacagaha shisheeye.
Sidoo kale madaxa wasiirrada ayaa laga doonaya inuu ka jawaabo su’aal uu soo gudbiyay xildhibaanka deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi Yuusuf Xasan Cabdi oo ah sida ay dowladdu gargaarka cunno u gaarsiisay deegaannada ay weli ka jirto saameynta abaarta.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wah uu shaaciyay in maanta uu Mudavadi hor tagi doono golaha.
Waxaa horay baarlamaanka uga soo hormuuqday oo su’aallo ka jawaabay wasiirka arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki, dhigiisa gaadiidka Kipchumba Murkomen iyo wasiiradda arrimaha deegaanka Soipan Tuya .