Wasiirka arrimaha gudaha oo gaaray Shakahola

0
257

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa maanta tagay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi .
Waxaa uu hoggaaminaya saraakiisha sar sare ee amniga ee gobolka Xeebta.
Dhanka kale ciidamada dambi baarista ayaa maanta gudaha keyntaasi ka soo saaray 10 meydad oo dheeraad ah oo lagu aasay xabaal wadareedya.
Tani ayaa tirada guud ee meydadka ilaa iyo hadda la helay ka dhigaysa 83.
Meydadka ayaa buux-dhaafiyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaanka Malindi sida uu sheegay maamulaha goobtaasi Saciid Cali.
Keynta Shakahola oo u dhow deegaanka Malindi ayaa sidoo kale maanta laga soo badbaadiyay saddex qof oo aad u liita.
Dadkan ayaa u dhintay gaajo iyo oon ka dib markii baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie Nthenge uu kula taliyey inay cuntada iyo biyaha ka af xirtaan ilaa ay geerida uga timaado.
Hay’adda laanqayrta cas laanteeda Kenya ayaa sheegtay in dadka la la’yahay ka dib markii ay arrintan soo ifbaxday ay tiradoodu tahay 212 oo isugu jiro 99 rag ah iyo 113 haween ah.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa guddoomiyey kulan amni ka hor inta uunan aaggaasi u sii gudbin.
Shalay ayay ahayd markii ay goobtaasi tageen taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome , agaasimaha waaxda dambi baarista Aamiin Maxamad iyo dhigiisa dacwad oogidda Nuurdiin Xaaji.
Ciidamo ka tirsan waaxyo kala duwan ayaa si maalinle ah u sameynaya howlgallo ay meydad uga raadinayaan xabaal wadareedyo lagu arkay dhul dhan 800 oo eekar oo la rumeysan yahay inuu leeyahay baadariga oo hadda ku jira gacanta laamaha ammaanka.
Shalay ayay ahayd markii wasiirka arrimaha gudaha ee dalka uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay qasab tahay in la soo saaro xeerar adag oo lagu maamulaya xarumaha iyo hay’adaha diimeed si looga hor tago in shacabka laga dhaadhiciyo caqiidooyin halis gelinaya naftooda.