Uhuru oo lagu abaal mariyey nabadeynta Itoobiya

0
304

Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa la siiyay abaal marin ku saabsan kaalintii uu ka qaatay soo afjaridda dagaalladii saameeyay gobolka Tigray ee wadanka Itoobiya.
Waxaa barnaamijkan soo qaban qaabisay dowladda Itoobiya oo eegaysay casharrada laga bartay geeddisocodkii nabadeed ee uu hoggaaminayay Midowga Afrika.
Uhuru , madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo sidoo kalena ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile, Mlambo ayaa xalay billad nabadeed lagu sharfay.
Munaasabadda ayaa waxaa hal-ku dhig u ahayd in laga daalay dagaal oo ay tahay in nabadda la joogteeyo.
Uhuru Kenyatta oo hadal ka jeediyay xarunta Friendship Square ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo xafladdan lagu qabtay ayaa shacabka Itoobiya ku bogaadiyey sida ay uga go’anayd in nabad waarta lagu soo dabbaalo gobolka waqooyi ee Tigray .
Waxaa uu sheegay in colaadda la soo afjaray ay caddeyn u tahay in qaaradda Afrika ay xallin karto dhibaatooyinkeeda.
Madaxweynihii hore ee Nigeria ayaa dhankiisa ammaanay dadweynaha Itoobiya iyo dhammaan dhinacyadii door ku lahaa in laga gudbo dagaallada u dhexeyay xoogagga TPLF iyo ciidamada dowladda dalkaasi.
Waxaa uu Obasanjo si gaar ah ugu mahadceliyay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki oo uu sheegay inuu arrin xasaasi ahayd u xil saaray guddi ay ka go’anayd in xal nabadeed la gaaro.
Waxaa munaasabadda mas’uuliyiintan lagu abaal marinayay ka qayb galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ,madaxa ku meel gaarka ah ee (TPLF) Getachew Reda iyo xubno kale.