Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in qaab kale loola tacaalo dadka gaysta dembiyada fudud

0
280

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku taliyey in la dhaqangeliyo siyaabo kale oo lagu xalliyo murannada oo aan keliya xabsiyada lagula degdegin dadka gaysta dembiyada fudud.
Waxaa uu arrintan u aaneeyay ciriiriga ka dhex jiro xarumaha asluubta ee wadanka.
Madaxweyne William Ruto ayaa arrintan ka hadlay xilli uu shalay ka qayb galay munaasabad ay ku qallin jabinayeen qaar ka mid ah ciidamada waaxda asluubta oo uu tababar ugu soo dhammaaday machadka tababarka ee ku yaalla deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xafladaasi ka sheegay in ugu yaraan 10,000 oo maxaabiis ah aynan weli dhameysan xukunno ka yar saddex sano oo lagu riday.
Madaxweynaha ayaa xusay in aan loo baahneyn in dhammaan dadkan ay ku sii jiraan xabsiyada wadanka sidaas awgeedna saamileyda dhanka cadaaladda laga doonaya inay adeegsadaan qaabab kale oo aan ahayn xabsi geyn.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in boqolkiiba 41 ee maxaabiista dalka ay sugayaan in loo maxkamadeeyo dembiyo damaanad lagu siideyn karo.
Waxaa uu madaxweynaha dalka waaxda garsoorka ugu baaqay inay hormuud u noqoto sidii xaaladdan wax looga beddeli lahaa isagoo xeer ilaaliyaha qaranka Justin Muturi kula taliyey inuu billaabo wada xaajoodyada muhiimka ah ee qorshahan ku aaddan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo nidaamka asluubta dalka oo laga gudbo ciqaabta iyo in qofka loo dhiibaateyo qalad ka dhacay oo la adeegsado dhaqangelin iyo sixid.
William Ruto ayaa sidoo kale sheegay in wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo howlaha guud lagu amray inay si degdeg ah u soo saaraan qorshaha ballaaran ee dhanka asluubta oo loo isticmaali doono in la dhiso xarumo kale .
Waxaa xafladda maanta ku qalin jabiyay 222 sarkaal.