Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa maanta socdaal ku tagi doono keynta tuulada Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda 73 qof ay ku dhinteen halkaasi ka dib markii baadariga kaniisadda Good News International ee deegaanka Malindi Paul Mackenzie Nthenge uu kula taliyey inay cuntada iyo biyaha ka af xirtaan ilaa iyo inta ay ka geeriyoonayaan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Kindiki uu sheegay in aanan marnaba la aqbali karin faafinta caqiidooyinka khaldan.
Waxaa uu wasiirka wacad ku maray in tallaabo adag oo dhanka sharciga ah laga qaadi doono baadariga.
Shalay ayay ahayd markii keynta Shakahola ay gaareen taliyaha guud ee booliiska dalka Mr. Japhet Koome, agaasimaha waaxda dambi baarista Aamiin Maxamad iyo agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji oo dhammaantood cambaareeyay falalka halkaasi ka dhacay .
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhankiisa habdhaqanka baadarigan la barbardhigay midka argagixisada oo uu sheegay inay ka been sheegaan diinta.




