DHAGEYSO: Shilal ka dhacay ismaamulka Kirinyaga

0
219

Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay halka in ka badan 10 kalena ay dhaawacmeen ka dib labo dhacdo oo shilal ah oo laga soo tabiyay waddada u dhexeysa degmooyinka Sagana iyo Karatina ee dowlad deegaanka Kirinyaga.
Shilka koowaad ayaa dhacay ka dib markii baabuur yar oo ku wajahnaa uu waddada ka baxay ka dibna uu ku dhacay webi halkaasoo uu ku nafwaayay qof rag ah iyadoo saddex kalena ay dhaawacmeen.
Shilka labaad ayaa u dhexeyay mid ka mid ah baabuurta xamuulka oo khudaar siday oo ay isku dhaceen gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda.
Qaar ka mid ah goobjoogayaasha shilalka ka dhacay Kirinyaga ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.