Xabsi uu ku xidhnaa madaxwaynihii hore ee Sudan oo weerar lagu qaaday

0
356

Dagaalaka u dhaxeeya cidamada milatariga Sudan iyo Xogaga sida milatariga u tababaran ee RSF ayaa galay maalinki tobnaad oo xiriir ah.
Isniinta maanta ah ayaa ka duwan maalmihii lasoo dhaafay oo xogaga iska soo horjeeda ay siwayn ugu dagalamayeen degaano dhawr ah oo ay ugu wayn tahay casimada Sudan ee Khartoum.
Qaar badan oo kamida Wadamada caalamka iyaga oo ka faidaysanaya maanta fursado kooban oo la dareemay waxay bilabeen inay mawadiniintooda ka daad gureyaan magalada casimada ah ee Khartoum.
Garmalka ayaa diyarad sida 101-qof oo ubadan shaqalihii safaradooda Khartoum ka daad gureeyay sudan
Sweden ayaa dhankeeda shaacisay tiro aan la cayimin oo isugu jira shaqalihi ka hawlgalayay safaradeeda iyo mawadiniin ree Sweden ah in ay u daad gureyeen wadanka jabuuti.
Dalalka kale ee mawadintooda ka daad gureeyay sudaan waxaa kamid ah masar, Switzerland iyo India
Labada ciidan ayaa dagaal xoogani waxaa uu ku dhexmaray gobalka darfuur halkaas oo waxyeelo xoogan lagasoo tabiyay.
Dakhatiirta aan xuduuda lahayn ayaa ku waramaya in isbtaalada magalada El-Fasher ay buux dhafiyeen dad qaba dhawacyo oo u badan caruur.
Dhanka magalada casimada ah ee Khartoum cidamada milatariga Sudan ayaa ayaa sheegay inay iska difaceen weerar xoogan oo ay ku sooo qadeen maleshiyaadka RSF oo doonayay inay qabsadaan xabsiga Kober oo uu ku xidhan yahay madaxwaynihi mudada dheer soo maamulayay Sudaan ee Cumar xasan Al-bashiir tan iyo 2019-kii.