Kenya ayaa billowday howlgal ay muwaadiniinteeda uga soo daad gureynayso dalka Suudaan, sababo la xiriira colaadda ka dhex aloosan ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF oo hadda galay todobaadkii labaad.
Kenya ayaa hadda ku biirtay dalal kale oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo Kanada oo horay uga soo daad gureeyay qaar ka mid ah muwaadiniintooda.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Alfred Mutua ayaa shaaca ka qaaday in dalalka dariska ah oo ay ka mid yihiin South Sudan, Ethiopia, Masar, iyo Saudi Arabia ay fasaxeen in diyaaradaha Kenya ay dulmaraan hawadooda si ay u daad gureeyaan dadka Kenyaanka ah ee ku xaniban dalka Sudan.
Dr Mutua Wuxuu u mahadceliyey dowladaha Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya sida ay ugu dhega nuglaadeen codsigii Kenya ee ahaa in muwaadiniinta Kenyaanka ah loo ogolaado in ay ka gudbaan xuduudahooda oo ay gaaraan goobo ammaan ah.
Mutua ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta ay waddo saddex barnaamij oo daadgureynta ah.
Diyaaradaha ay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka ayaa ka qeyb qaadanaya daadgureynta Kenyaanka ku xayiran wadanka Sudan oo ay ku dhinteen boqolaal qof. Dagaalo dhacay owgooda.