Canada oo hakisay howlaheeda dibloomaasiyadeed ee Suudaan

0
233

Dowladda Canada ayaa shaacisay inay si ku meel gaar ah u hakisay howlaheeda dibloomaasiyadeed ee dalka Suudaan .
Waxay ku biirtay dalal uu Maraykanka ka mid yahay oo tallaabadan oo kale qaaday.
Waaxda arrimaha caalamiga ee dowladda Canada ayaa bayaan ku sheegtay in xaaladda Suudaan ay ka sii dartay sidaas awgeedna ay aad u adkaatay xaqiijinta badqabka shaqaalaha Canada ee magaalada Khartoum.
Waxaa bayaanka ku cad in dibloomaasiyiinta Canada ay si ku meel gaar ah uga howlgeli doonaan meel nabad ah oo ka baxsan Suudaan in kastoo aynan shaacin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo waddamada Maraykanka, Ingiriiska , Faransiiska iyo dalal kale ay gudaha magaala madaxda Suudaan ka saareen shaqaalaha safaaradahooda iyo qoysaskooda.
Dagaallada u dhexeya ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF ayaa sabababay dhimashada in ka badan 400 oo qof halka kumannaan kalena ay ku dhaawacmeen.