Wasiirka arrimaha gudaha oo Talaadada booqan doono tuulo lagu arkay xabaal wadareedyo

0
298

Waxaa uu qorshuhu yahay in Talaadada soo socoto uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki uu socdaal ku tago keynta tuulada Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Wasiirka ayaa iskuduwaha dowladda dhexe u qaabilsan gobolka Xeebta Rhoda Onyancha ku amray inay iskuduba rido koox ka kooban waaxyo kala duwan ka hor inta uunan halkaasi tagin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ugu yaraan 58 xabaal wadareed lagu arkay keyntaasi oo ka kooban 800 oo eekar oo la rumeysan yahay inuu leeyahay baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie Nthenge.
Waxaa hadda Shakahola oo ka tirsan deegaanka Malindi ku sugan saraakiisha dambi baarista oo halkaasi ka raadinaya meydad dheeraad ah sidoo kalena ku dadaalaya inay ka hor tagaan in dad kale ay gaajo u dhintaan ka dib markii uu baadariga shakhsiyaadka ku xiran kaniisadiisa uu kula taliyay inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan.
Howlgallada oo socday maalmo ayaa waxaa ilaa iyo hadda lagu soo samata bixiyay dhowr qof oo iyagoo liita la geeyay isbitaallada si ay daryeel u helaan.
18 meydad dheeraad ah ayaa laga soo saaray goobta tani oo tirada guud ee meydadka ka dhigaysa 39.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa qoraal ku sheegay in xasuuq uu ka dhacay gudaha keynta Shakahola tani oo caddeyn u ah sida loogu xadgudbay xaqa cibaadada ee dastuuriga ah.
Waxaa uu wasiirku xusay in hadda laga billaabo ay qasab tahay in la soo saaro xeerar adag oo lagu maamulaya hay’adaha diimeed si dhibaatadan oo kale looga hor tago.
Wasiir Kindiki ayaa intaasi ku daray in ciidamo ku filan la geeyay aaggaasi oo la xiray loona aqoonsaday inay tahay meel uu fal dambiyeed ka dhacay.
Ciidamada booliiska ayaa xabsiga ku haya Mackenzie si ay baaritaannada ka dhanka ah ugu soo gabagabeeyaan 14 cishe gudahooda.