Booliiska Naivasha oo xiray nin loo haysto inuu canug dhibaateeyay

0
326

Ciidamada booliiska ee magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ayaa gacanta ku dhigay nin ku eedeysan inuu tacaddi kula kacay canug yar.
Waxaa laamaha ammaanka lagu soo wargeliyay in hooyo lagu magacaabo Chitayi oo 27 sano jir ah ay canugeeda oo shan sano jir ah ay uga tagtay ninkeeda oo loo yaqaano Wepo da’diisuna ay tahay 29 sano.
Qoraal la soo dhigay baraha bulshada ee adeegga qaran ee booliiska NPS ayaa muujinaya in ka dib markii ay hooyadan ka soo laabatay shaqada ay ka war heshay in canugeeda si daran loogu xadgudbay.
Baaritaannada horudhaca ee booliiska ayaa muujinaya in eedeysanaha uu wiilka yar garaacay sidoo kalena uu dheri ama eela kulul uga dhejiyay barida .
Sidoo kale waxaa uu tuhmanaha si awood leh u qabtay xubnaha taranka ee wiilka isagoo gaarsiiyey dhaawacyo culus.
Canugga ayaa hadda lagu daryeelaya isbitaalka guud ee deegaanka Naivasha halka eedeysanaha uu xabsi ku jiro si berri maxkamadda loo soo taago.