Maraykanka oo Suudaan ka saaray shaqaalaha safaaradiisa dalkaasi

0
261

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in maamulkiisa uu gudaha caasimadda Suudaan ee Khartoum ka saaray shaqaalaha safaaradda xukuumadda Washington ay halkaasi ku leedahay iyo qoysaskooda.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu toddobaadkii labaad galay dagaalka u dhexeya ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee RSF.
Waxaa iskudhacyada ku dhintay boqolaal qof halka kumannaan kalena ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada RSF ayaa saaka shaaciyay in iyagoo kaashanaya howlgalka militariga Maraykanka ay isku dubarideen in 6 diyaaradood magaalada Khartoum looga daadgureeyay dibloomaasiyiinta u dhashay Maraykanka iyo qoysaskooda.
Hasa ahaate waxaa tani beenisay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka.
Saraakiishan ayaa sidoo kale ballan qaaday inay dhammaan safaaradaha dalalka shisheeye la shaqeyn doonaan oo ayna u fidin doonaan ilaalada ay u baahan yihiin si muwaadiniintooda iyagoo badqaba dib loogu celiyo dalalkooda hooyo.
Bayaanka Biden waxaa ku cad in daadgureynta ay sidoo kale ka qayb qaateen dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Sacuudi Carabiya.
Xukuumadda Washington ayaa si lama filaan ah albaabada isugu dhufatay safaaradeeda Khartoum iyadoo aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo uu sheegay inuunan jirin qorsho dowladeed oo Suudaan looga saaraya qiyaastii 16,000 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Maraykanka.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa dhankiisa qoraal ku sheegay in dowladda dalkaasi ay sii wadi doonto inay shacabkeeda ku sugan Suudaan ka caawiso qorsheynta badqabkooda iyadoo dhanka kale ay dhinacyada dagaallamaya ku sii cadaadin doonaan inay sameeyaan xabbad joojin si looga hor tago burbur dheeraad ah.