DHAGEYSO: Wasiiradda jinsiyadda oo dalbatay inuunan xabsiga ka soo bixin baadariga kaniisad ku taalla Kilifi

0
281

Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda Aisha Jumwa ayaa laamaha ammaanka ugu baaqday inaynan xabsiga ka soo saarin baadariga kaniisadda Good News International Paul Mackenzie.
Tani ayaa timid ka dib markii in ka badan 20 qof ay ku geeriyoodeen tuulada Shakahola ee ismaamulkaasi ka dib markii baadariga uu kula taliyay inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan.
Aisha Jumwa ayaa hoosta ka xarriiqday in haddii baadariga la soo siidaayo in shacabka ay qaadi doonaan tallaabo isaga ka dhan ah.