Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa la kulmay kenyaanka ku nool wadanka Botswana oo uu galinkii dambe ee shalay ku tagay safar shaqo.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in kulanka uu ahaa mid cajiib ah oo ay ka qayb galeen muwaadiniin ka kala yimid magaalooyinka Botswana .
Shirka ayaa ka qabsoomay caasimadda dalkaasi ee Gaborone.
Gachagua ayaa xusay in qurbajoogta dalka ee ku sugan Botswana ay sameeyeen maalgashi.
Waxaa uu intaasi ku daray in maamulka madaxweyne William Ruto uu xallin doono caqabadaha haysta kenyaanka qurbajoogta ah ee ay codsadeen in wax laga qabto.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa muwaadiniinta ku boorriyey inay maalgashi ka sameystaan gudaha dalka iyagoo isku diyaarinaya howlgabnimo.
Shacabka ayaa dhankooda sheegay inay ka go’an tahay ka qayb qaadashada dhisidda dalka iyo inay dowladda ku taageeraan la dagaalanka balwadda.
Waxaa madaxweyne ku xigeenka kulanka ku wehelinayay xoghayaha joogtada ah ee waaxda qurbajoogta wasaaradda arrimaha dibadda dalka iyo safiirka Kenya ku matalo wadanka Botswana Ambasadoor Maxamad Mukhtaar Shiidiye.
Waxaa uu halkaasi ku matalaya hoggaamiyaha dalka William Ruto isagoo ka qayb geli doono kulanka Forbes 30 Under 30 ee qaaradda Afrika oo lagu xusaya 30-ka ganacsata ee ugu horreeya oo iyagoo ay da’dooda ka hooseyso 30 sano saameyn leh.
Gachagua ayaa bayaan ku sheegay in ganacsiga da’yarta uu kaalin wayn ka qaadan karo in la yareeyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada Afrika oo hadda heer ahaan gaaraysa boqolkiiba 12.7 .
Kulanka Forbes 30 Under 30 ayaa si gaar ah loogu sharfaya dhallinyarada sameeyay hal abuurka ganacsi ee dhanka tiknolojiyadda , dhaqanka , caafimaadka la xiriira cayaaraha iyo sayniska.
Rigathi Gachagua ayaa Botswana ku joogi doono safar rasmi oo 4 cishe ah.




