Waxaa maanta xilkiisi iska casilay ra’iisul wasaare ku xigeenka boqortooyada Ingiriiska Dominic Raab.
Tallaabadan ayuu qaaday wax ka yar 24 saacadood ka dib markii la soo saaray warbixin sheegaysa inuu handadaad sameeyay.
Raab ayaa sidoo kale iska casilay jagada xoghayaha cadaaladda.
Warqadda is casilaadda ayuu ku xusay inuu qaadanaya mas’uuliyadda oo uu aqbalay natiijada baaritaannada la sameeyay ee isaga ka dhanka ahaa.
Hasa ahaate waxaa uu hoosta ka xarriiqay in baaritaannada ay meesha ka saareen eedeymihii loo jeediyay marka laga soo reebo labo.
Waxaa uu Raab wajahayay cabashooyin badan oo ku aaddan qaabka uu ula macaamilo shaqaalaha dowladda sida inuu handado , inuu xaqiro oo qaarkood uu ku sababay inay ooyaan in kastoo uu horay eedeymahan iskaga fogeeyay.




