Madaxweynaha dalka oo muslimiinta ugu hambalyeeyay ciidul fidriga

0
340

Madaxweynaha dalka  William Ruto ayaa muslimiinta kenyaanka ah u diray  hambalyo  la xiriirta  munaasabadda ciidul fidriga ee maanta loo dabbaal degaya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu Alle ka  rajeynaya  inuu muslimiinta  ka  aqbalo  soonka , salaadaha, sadaqada  iyo acmaasha kale ee wanaagsan oo uu nabad ku gaarsiiyo ramadaanka  kale iyagoo caafimaad qaba.
Sidoo kale  bayaan  ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee State House ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu garab istaag u muujinaya shacabka Suudaan .
William Ruto ayaa xusay in dagaallada  geeska Afrika ay sababeen  dhibaatooyin baniaadannimo iyadoo fursado badan la  lumiyey sidaas awgeedna si wayn loogu baahi qabo  xasilooni.
Madaxweyne William Ruto ayaa intaasi ku daray in dowladda Kenya  ay diyaar u tahay  inay kaalinteeda ka qaadato sidii lagu heshiisiin lahaa dhinacyada ku dagaallamaya wadanka Suudaan.
Sidoo kale waxaa uu  ciidamada militariga ee Suudaan iyo saraakiisha  RSF ka codsaday inay taageeraan dadaallada nabadeynta ee  ay wadaan IGAD, AU-da, Qaramada Midoobay iyo dhinacyada kale oo ayna isugu yimaadaan miiska wada hadalka.