DHAGEYSO: Xildhibaanka Kamukunji oo soomaalida ugu baaqay midnimo

0
314

Mudanaha deegaan baarlamaneedka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi oo ay xaafadda Islii hoos tagto Yuusuf Xasan Cabdi ayaa bulshada soomaaliyeed ku boorriyey inay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka.
Xilli uu saaka salaadda ciidda ku tukaday garoonka dugsiga sare ee Eastleigh High ayuu mudanaha hambalyo u diray dadweynaha isagoo dhanka kale muslimiinta ku nool waddamada Falastiin, India iyo Soomaaliya Alle uga baryay inuu ka dulqaado dhibaatooyinka ay wajahayaan ee ay amni darrada ka midka tahay.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale soomaalida kula taliyey inay ku dadaalaan waxbarashada carruurtooda iyo ilaalinta dhaqanka.

Dhanka kale qaar ka mid ah dadweynaha maanta ku ciidaya xaafadda Islii ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta Star.