DHAGEYSO: Muslimiinta oo maanta u dabaal degaya maalinta koowaad ee ciidul fidriga

0
279

Waxaa maanta gudaha wadanka iyo daafaha caalamka looga dabaal degaya maalinta koowaad ee munaasabadda ciidul fidriga ka dib markii shalay maqribkii meelo kala duwan sida gudaha dalka, Soomaaliya iyo Sacuudiga laga xaqiijiyay billowga bisha Shawaal.
Meelaha bisha laga arkay waxaa ka mid ah deegaanka Dadaab iyadoo dadkii ay indhahooda qabteen iyo culimada ay u warrameen warbaahinta star.

Ku xigeenka qaadiga guud ee dalka Sukyaan Xasan Cumar ayaa isna xaqiijiyay in maanta ay ciid tahay .

Waxaa sidoo kale arrintan xalay fiidkii ka hadlay Sheekh Maxamad Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamuud Maxamad Shibli oo sidoo kale muslimiinta ugu hambalyeeyay dabaal degga ciidul fidriga.