Kenya oo heerka duumada yareysay boqolkiiba 50

0
298

Waxaa tobankii sano ee ugu dambeeyay boqolkiiba 50 hoos loo dhigay heerka cudurka duumada ee gudaha wadanka.
Waxay wasaaraddu sheegtay in kiisaska cusub ee la xiriita malaariyada ay si wayn hoos ugu dhaceen.
Madaxa waaxda ka hor tagga cudurrada ee wasaaradda caafimaadka Andrew Mulwa ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay qorsheynayaan in sanadka 2024-ka , 28 ka mid ah dowlad deegaannada dalka la gaarsiiyo 18.3 milyan oo ah maro -kaneecada.
Dr Mulwa ayaa intaasi ku daray in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in la yareeyo culeyska cudurkan uu ku haaya dalka iyo in sido kale kaalin laga qaato hiigsiga caalamiga ee ah in sanadka 2030-ka dunida laga cirib tiro xanuunka malaariyada.