DHAGEYSO: Barasaabka Kakamega oo doonaya in ismaamullada ay lahaadaan miisaaniyad u gaar ah

0
278

Guddoomiyaha ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka Fernandes Barasa ayaa sheegay inay doonayaan in ismaamullada ay lahaadaan miisaaniyad u gaar ah oo aynan dowladda sare ka sugin inay dhaqaale u qoondeysa sanad kasta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay meesha ka saareysa caqabadaha ay ismaamullada ku qabaan lacagaha ay dowladda sare siisa ee ka soo dib dhaca.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu wareysi gaar ah siinayay idaacadda maxalliga ee Radio Citizen.