Ingiriiska oo safiir cusub u soo magacaabay Kenya

0
257

Boqortooyada Ingiriiska ayaa Patrick Neil Wigan u soo magacawday inuu noqdo safiirka ku matalaya Kenya.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu beddelo Jane Marriott oo uu muddo xileedkeedu ku egyahay dhammaadka bisha Lixaad ee sanadkan.
Jane Marriott ayaa muddo afar sano ahayd safiirka Ingiriiska ee dalka.
Qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka ayay ku sheegtay inay u xiisi doonto dalka iyo dadka kenyaanka ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Jane Marriott loo wareejinaya xarun kale oo dibloomaasiyadeed.
Patrick Neil Wigan ayaa bishii Lixaad ee sanadkii 2019-kii loo magacaabay safiirka Ingiriiska ee Israa’iil xilkaasi oo uu ilaa iyo hadda haya.
Sidoo kale waxaa uu horay u soo noqday safiirkii Ingiriiska ku matalayay Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC.