Wasiirka gaadiidka iyo waddooyinka oo sheegay in aan la dhameystirin 800 oo mashaariic ah

0
215

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in wixii ka horreeyay bishii labaad ee sanadkan aan la dhameystirin mashaariic gaaraya 800.
Xilli uu ka soo hormuuqday baarlamaanka ayuu Murkomen hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe aynan billaabi doonin mashaariic cusub oo dhanka kaabayaasha ah.
Waxaa uu arrintan u aaneeyay gaabad dhaqaale oo soo foodsaaray maalgelinta barnaamijyada horumarineed.
Wasiirka ayaa xusay in lacag dhan 763 bilyan oo shilin horay loogu qoondeeyay dhaqangelinta mashaariicda uu hakadka ku yimid.
Murkomen ayaa xildhibaannada u sheegay in aynan billaabi doonin mashruuc aan loo helin amaah lagu maalgelinaya.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in iyadoo lagu saleynaya xaaladda dhaqaale ee dalka, maamulka Kenya Kwanza uu go’aansaday in mashaariic dheeraad ah la billaabo keliya haddii ay maalgelinayaan saaxiibbada Kenya ee dhanka horumarka.

Sidoo kale waxaa uu xusay in wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka aynan weli bixin 145 bilyan oo shilin oo ay ku leeyihiin qandaraaslayaal fuliyay barnaamijyo kala duwan.
Qandaraasleydan ayuu wasiirka sheegay inay isugu jiraan kuwo maxalli iyo kuwo shisheeye ah.
Murkomen ayaa sheegay inay wasaaradda maaliyadda la kaashanayaan sidii loogu oggolaan lahaa inay la heshiiyaan qaar ka mid ah qandaraaslayaasha doonaya inay mashaariicda sii wadaan iyadoo qorsho la adeegsanaya.