Waxaa laga billaabo abaare 3-da galabnimo ee maanta baarlamaanka ka soo hormuuqan doono wasiirka wasaaradda gaadiidka Kipchumba Murkomen iyo wasiirrada arrimaha deegaanka Soipan Tuya.
Waxaa ugu horeyn xildhibaannada hor tagi doonto wasiirrada deegaanka si ay uga jawaabto su’aallo ay soo gudbiyeen xildhibaannada Elgeyo Marakwet Caroline Ng’elechei iyo dhigeeda Koonfurta Mandera Cabdul Haro.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa dhankiisa ka jawaabi doono su’aallaha sagaal xildhibaan.
Waxyaabaha laga doonaya inuu faahfaahiyo waxaa ka mid ah marxaladda waddada wayn ee Nairobi Expressway tan iyo markii la daahfuray iyo sida ay u fududeysay ciriiriga ka jiro caasimadda wadanka ee Nairobi.
Murkomen ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixin doono mashruucyada waddooyinka guud ahaan dalka ee uu hakadka ku yimid iyo sababaha aan waddooyinkaasi loo dhameystirin.
Sidoo kale wasiirka ayaa sharrixi doono tallaabooyinka ay dowladdu qaaday si lacagaha ka maqan loo siiyo qandaraasleyda dhisay waddooyinka .