Kooxda RSF oo tixgelinaysa xabbad joojin hal maalin ah

0
317

Ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF ee la dagaallamaya saraakiisha qalabka sida ee dalka Suudaan ayaa sheegay inay tixgelinayaan heshiis xabbad joojin ah oo shaqeynaya 24 saacadood.
RSF ayaa hoosta ka xarriiqday inay u dagaallamaysa dib u soo celinta xuquuqda shacabkooda.
Madaxa kooxdan General Maxamad Hamdan Dagalo ayaa sheegay inay muddo hal maalin ah fursad siinayaan in dadka rayidka ay gudbaan sidoo kalena la soo daadgureeyo inta dhaawacantay.
Dhanka kale ku xigeenka madaxa ururka dhakhaatiirta ee dalka Suudaan Axmed Cabbaas Abusham ayaa warbaahinta u sheegay in isku dhacyada ay sababeen dhibaato wayn oo dhanka caafimaadka ah.