Alfred Mutua oo sheegay in ku dhawaad 3,000 oo Kenyan ah ay ku xayiran yihiin Suudaan

0
259

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Alfred Mutua ayaa sheegay in ilaa 3,000 oo Kenyan ah ay ku xayiran yihiin dalka Sudan xilli ay sii kordhayaan rabshadaha ka socda halkaasi.
Sida laga soo xigtay wasiir Mutua, Kenyaanka ku sugan Suudaan ayaa ku qasbanaaday in ay isku xiraan guryahooda waxayna codsanayaan gargaar si ay ugu soo laabtaan dalka.
Isagoo ka hadlayay xaflad dowladda loogu mahadcelinayay oo ka dhacday Machakos, Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Alfred Mutua ayaa waxaa uu sheegay in qorshayaal lagu doonayo in muwaadiniinta lagu soo celiyo dalkooda uu socdo, ayna durba wadahadal kula jiraan shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways oo heegan ku jira.
Wasiir Mutua ayaa ku booriyay muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku nool wadanka dibadiisa in ay mar walba iska soo diiwaan galiyaan safaaradaha ay ku leeyihiin wadamada qurbaha, maadaama ay gacan ka geysaneyso in si sahlan loo wada xiriiro, loogana jawaabo haddii ay yimaadaan dhibaatooyin.
Militariga Sudan, ayaa Sabtidii, waxa ay isku dhaceen Xoogaga Taageerada degdega ah ee RSF.
General Abdel Fattah Al-Burhan, oo ah Taliyaha militeriga Sudan, ayaa sheegay in RSF ay weerar ku soo qaadeen hoyga uu degan yahay subaxnimadii Sabtida, taas oo keentay in ay huriyaan rabshadaha.
RSF ayaa sheegtay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta madaxtooyada xitaa iyada oo ciidanka militeriga ay sheegeen in ay la wareegeen dhamaan garoomada diyaaradaha.
Madaxweyne William Ruto ayaa walaac weyn ka muujiyay qalalaasaha ka soo cusboonaaday Suudaan, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh rabshadaha milatari inay xaliyaan khilaafaadka iyagoo u maraya hab nabadeed.