Garoonka diyaaradaha caalamiga ee JKIA oo si ku meel gaar ah loo xiray

0
410

Maamulka Garoomada Diyaaradaha ee dalkani Kenya ee KAA ayaa xiray dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ee magaalada Nairobi, waxaana la hakiyay dhammaan duulimaadyadii imaan jiray iyo kuwii ka dhoofayay.
Arrintan ayaa timid ka dib arrimo farsamo oo ku dhacay mid ka mid ah diyaaradaha xaamuulka oo garoonka ka kacaysay.
Goa’aanka KAA ayaa imaanaya ka dib markii ay duuli waysay diyaarada Singapore Airlines.
Diyaaradda oo ku sii jeeday magaalada Amsterdam ee dalka Holland ayaa waxaa soo wajahay cxaqabado farsamo.
Bayaan ay soo saartay KAA ayaa lagu yiri, “Muhiimaddayada ugu weyn waa badqabka dhammaan rakaabka, waxaana si dhow ula shaqeyneynaa mas’uuliyiinta ay khuseyso si aan u xalinno xaaladdan sida ugu dhaqsaha badan oo na badbaado leh. Sidaas awgeed waxaan Meesha ka saarnay dhammaan duullimaadyadii imanayey iyo kuwii baxayayba si ku meel gaar ah.”
Afar iyo toban bilood ka hor, KAA ayaa si la mid ah maanta waxay si ku meel gaadh ah u xirtay garoonka iyo in diyaarad ay ka dhoofto ama ku soo degto ka dib markii cillad farsamo ay ku imaatay diyaarad kuna xayirntay halka ay ku soo degtay.
Dhacdadii bishii February ee sannadkii hore ayaa waxay keentay in dhammaan duullimaadyadii garoonka soo galayay loo weeciyay Mombasa iyo Dar es Salam ee Tanzania.