Duulimaadyada gudaha oo sii shaqeynaya ilaa maalinta Isniinta ee toddobaadkan

0
949

Maamulka duulimaadyada dalka ee KCAA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dadka diyaaradaha ku safraya dalka gudihiisa ay haystaan ilaa maalinta Isniinta ee toddobaadkan ee 12-ka Duhurnimo taarikhduna tahay 29-ka bishaan.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu sheegay in Ismaamullada sida Nairobi, Nakuru, Kajiado, Machakos iyo Kiambu laga billaabay saqdii dhexe ee xalay laga bixi karin sidoo kalana la soo geli karin.
Agaasimaha guud ee hay’adda duulista rayidka ee dalka Gilbert Kibe ayaa sheegay in howlaha duulimaadyada dalka gudihiisa ay sii shaqeyn doonaan ilaa maalinka Isniinta ee toddobaadkan 12-ka Duhurnimo.
Dhanka kale shirkadda tareennada dalka ayaa shaaca ka qaaday in wax ka beddeleen howlihii adeegyada tareenada.
Waxaa ay sheegeen in dadka doonaya in ku safraan tareenka ay haystaan ilaa berrito 6-da Maqribnimo.