Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in 13 qof ay shil ku dhinteen ka dib markii bas siday dad laga geeriyooday uu ku gadoomay inta u dhexeysa magaalooyinka Wundanyi iyo Mwatate oo ka tirsan ismaamulka Taita Taveta ee gobolka xeebta.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 21 qof oo rakaab ah oo dhaawacmay la dhigay isbitaalka magaalada Voi si ay u helaan daryeel caafimaad.
Mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ka warramaya sida uu shilka u dhacay.
Sidoo kale qof ka mid ah dadka deegaankaasi ayaa dowladda ka codsaday inay waddadaasi dayactirto si looga baaqsado saameynta shilalka dhaca.