Ugu yaraan 56 qof oo lagu dilay Suudaan

0
256

Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in dalka Suudaan ay ku dhinteen ugu yaraan 56 qof oo rayid ah sida laga soo xigtay ururka dhakhaatiirta ee wadankaasi.
Ururkan ayaa sidoo kale sheegay inay dhaawacmeen 595 ruux oo ay ka mid yihiin dagaalyanaano.
Tani ayaa timid ka dib iskudhac dhexmaray ciidamada militariga ee Suudaan iyo xoogagga birmadka degdegga ee RSF ee uu hoggaamiyo General Maxamad Hamdan Dagalo oo ku magacdheer Hemedti.
Dhakhaatiirta Suudaan ayaa intaasi ku daray in la dilay dhowr ka mid ah ciidamada difaaca in kastoo aynan shaacin tiro cayiman.
Ciidamada RSF ayaa dhankooda ku andacoonaya inay qabsadeen qasriga madaxtooyada , hooyga taliyaha guud ee militariga, telefishinka dowladda , garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Khartoum, magaalada waqooyi ee Merowe, El Fasher iyo galbeedka gobolka Darfur, hasa ahaate militariga Suudaan ayaa beeniyey sheegashadan.
Ciidamada ilaalada hawada ee Suudaan ayaa shacabka ugu baaqay inaynan ka soo bixin guriyahooda maadaama ay sameynayaan kormeer dhanka hawada oo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada RSF.
Sidoo kale waxaa caasimadda Suudaan ee Khartoum maanta oo laga dhawaaqay fasax in kastoo ay horay u ahayd maalin shaqo waxaana xiran dugsiyada , bangiyada iyo xafiisyada dowladda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada qalabka sida ee Suudaan ay saaka duqeymo dhanka cirka ah ku bartilmaameedsadeen saldhig ay leeyihiin RSF oo ku yaalla magaalada Omdurman oo u dhow caasimadda dalkaasi ee Khartoum.
Goobjoogayala ayaa laga soo xirtay in aroornimadii hore ee maanta qaraxyo iyo is rasaaseyn culus laga maqlay waddooyinka cidlada ah ee Khartoum.
Khuburrada falanqeeya amniga ayaa sheegaya in militariga suudaan iyo xoogagga RSF oo gaaraya ilaa 100,000 oo sarkaal ay isku hayaan qabashada hoggaanka dalkaasi.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhinacyada siyaasadda ay ka wada xaajoonayaan in la soo dhiso dowlad ku meel gaar ah ka dib afgembigii militari ee Suudaan ka dhacay sanadkii 2021-kii.