Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja –One Kenya ayaa abaare 2-da duhurnimo ee maanta isku soo bax dadweyne ku qaban doono fagaaraha Kamukunji grounds ee ismaamulka Nairobi.
Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Raila Odinga ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in 10-ka barqannimo ay ka qayb geli doonaan munaasabad ka dhacaysa kaniisadda ACK ee waddada Jogoo Road.
11-kii bishan ayay ahayd markii guddoomiyaha golaha fulinta ee isbeheysiga Azimio Wycliffe Ambetsa Oparanya uu shaaciyay inay 16-ka bishan qaban doonaan isku soo bax .
Waxaa bayaanka maalinkaasi lagu sheegay in ujeeddada laga leeyahay kulanka maanta ay tahay in mucaaradka uu shacabka faahfaahin ka siiyo halka ay wax marayaan iyo tallaabada xigta ee la qaadaya ka dib dibadbaxyadii ay hakiyeen.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo mucaaradka iyo isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza ay labaduba soo saareen guddiyo ka kooban min toddobo xubnood oo ku matalaya wada hadallada ku aaddan arrimaha guddiga IEBC.