Saraakiil haweeney dhulka ku jiiday oo damiin lacageed lagu siiday

0
646

Sagaal ka mid ah saraakiisha booliska ee amarrada fuliya ee ismaamulka Kisumu ayaa lagu siidaayay damiin lacageed oo dhan 80,000 oo shilinka dalka ah ka dib markii ay beeniyeen eedeymaha ah inay waxyeelo xun u geysteen haweeney dharka celiska ah ama huudeyda ku iibineysay wadada dhexdeyda.
Saraakiisha oo shalay ka soo hor muuqday garsooraha maxkamadda sare ee dowlad deegaanka Kisumu Martha Agutu ayaa lagu eedeeyay inay haweeney magaceeda lagu sheegay Beatrice Magolo da’adeeduna tahay 38 sano ay dhulka jiideen iyagoo adeegsanayay gaari xawaare ku socday.
Waxaa sidoo kale maxkamadda ka maqnaa 3 sarkaal kale oo eedeymaahaan wajahaya.
Garyaqaan matalayay tuhmanayaasha ayaa maxkamadda u sheegay in saraakiisha ay gudanayeen waajibaadkooda islamarkaana aysan sameynin xadgudub ka dhan ah bini’aadanimda.
Waxaa uu ka codsaday in eedeysanayaasha in lagu sii daayo dammaanad maadama dhammaantood ay yihiin kuwa quudiya qoysaskooda.
Muuqaal naxdin leh ayaa laga dhax arkay qaar ka mid ah saraakiisha booliska ee ismaamulka Kisumu oo haweeney ku dhex jiidaya wadada iyaga oo adeegsanayay gaari xawaare ku socday.
Muuqalka oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay sida arxaan darrada ah ee askarta dowlad deegaanka Kisumu ay haweeneydaan kula kaceen.
Dhanka kale dacwad oogayaasha ayaa ku dooday in arrintaasi ay aheyd dambi culus oo meel ka dhac ku ah xuquuqda aadanaha islamarkaana saraakiisha tallaabo ka dhan ah sharciga laga qaado.
Kiiska ayaa mar kale la soo hadal qaadi doona 13-ka bisha Afaraad ee sanadkan.
Waxaana dacwadaan la dhageysan doona 20-ka isla bishaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here