Shidaalkii ugu horreeyay ee laga keenay bariga dhexe oo wadanka soo gaaray

0
324

Waxaa dalka la soo gaarsiiyay shixnaddii ugu horreysay ee shidaal laga keenay bariga dhexe oo qiimo ahaan dhan 20 bilyan oo shilin.
Shidaalka oo ah ilaa 165,000 (metric tonnes) ayaa lagu siday labo markab .
Waxaa guddoomay mas’uuliyiin uu hor kacayay ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua.
Dhawaan ayay ahayd markii saddex ka mid ah shirkadaha shidaalka ee dalka loo ansixiyay inay ka ganacsadaan shidaalka ay Kenya ka soo iibsanaysa khaliijka.