Azimio oo dalbatay in Keynaan laga saaro xubnaha dowladda kuma matalaya wada hadallada

0
418

Guddoomiyaha guddiga mucaaradka ku matali doono wada hadallada kala dhexeynaya dowladda sidoo kalena ah xildhibaanka deegaanka Rarieda Otiende Amolo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay diyaar u yihiin wada hadallo furan oo daacad laga yahay.
Waxay sheegeen inay doonayaan inay helaan jawaabo ku aaddan hoos u dhigidda qiimaha cunnada , shidaalka , in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo keydka doorashooyinka ee IEBC sidoo kalena la ilaaliyo dimuqraadiyadda iyo dhaqanka xisbiyada.
Otiende iyo madaxda kale ee mucaaradka ayaa siyaasiyiinta Kenya Kwanza ku boorriyay inay qaataan go’aan kani la mid ah oo ay u hoggaansamaan dastuurka inta lagu guda jiro geeddisocodka wada hadallada.
Sidoo kale waxay dalbadeen in qof kale lagu beddelo magaca xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye oo ka mid ah shakhsiyaadka loo soo xushay inay dowladda ku matalaan wada hadallada kala dhexeynaya mucaaradka .