Isku duwaha ammaanka ee Rift Valley oo shacabka uga digay inay weeraraan dhulalka khaaska ah

0
279

Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Cabdi Xassan ayaa shacabka ku nool magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru uga digay inay weeraraan oo ay gudaha u galaan dhulalka sida gaarka ah loo leeyahay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ciddii sidan sameysa in laga qaadi doono tallaabo adag oo dhanka sharciga ah.
Isku duwaha ayaa carrabka ku adkeeyay inay tahay arrin walaac laga muujiyo in qaar ka mid ah shacabka ay weerar ku qaadaan dhul shakhsiyeed isagoo tilmaamay in tani aanan marnaba looga dul qaadan doonin gudaha Rift Valley .
Cabdi Xasan ayaa arrintan ka hadlay xilli uu warbaahinta uga warramayay dad shacab oo gudaha u galay dhulal ku yaalla Maai-mahiu iyo Ndabibi oo ka tirsan deegaanka Naivasha.