Taliye ku xigeenka cusub ee booliiska oo maanta la dhaariyey

0
283

Waxaa saaka xarunta maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court lagu dhaariyey ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska Douglas Kanja Kirocho oo uu shalay magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Xafladda dhaarinta waxaa guddoomisay madaxa cadaaladda ee Kenya garsoore Martha Koome.
Kanja ayaa beddelay Edward Mbugua oo howlgab noqday.
Ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska ayaa ku soo baxay turxaan bixin uu toddobaadkii hore sameeyay guddiga adeegga qaran ee booliiska.
Douglas Kanja Kirocho ayaa xilal kala duwan soo qabtay ilaa uu sanadkii 2018-kii ka noqday taliyaha ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da.
Madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale Gideon Nyale u magacaabay taliyaha machadka lagu tababaro saraakiisha booliiska ee Kiganjo , Eliud Kipkoech Lagat waxaa loo magacaabay taliyaha ciidamada GSU-da halka Ranson Loimodoni laga dhigay agaasimaha howlgallada.
Sidoo kale madaxweyne William Ruto ayaa afhayeenkii hore ee booliiska Bruno Shioso u magacaabay xilka agaasimaha guud ee ciidanka ilaalada xeebaha.
Waxaa magacaabiddan shaaciyay madaxa waaxda adeegga dadweynaha sidoo kalena ah madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka Felix Koskei.
Shioso ayaa sanadkii hore noqday taliyaha machadka adeegga qaran ee booliiska ee Kiganjo wuxuuna xilligaasi beddelay Japheth Koome Nchebere oo laga dhigay abaanduulaha guud ee booliiska wadanka.
Shioso ayaa hadda beddelaya Vincent Naisho oo la magacaabay 2018-kii.