Wasiirka arrimaha gudaha oo maanta hor tagaya baarlamaanka

0
332

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa lagu wadaa inuu abaare 3-da galabnimo ee maanta ka soo hormuuqdo baarlamaanka.
Kindiki ayaa noqonaya wasiirkii ugu horreeyay ee gudaha baarlamaanka si toos ah uga jawaabaya su’aallaha xildhibaannada.
Tani ayaa timid ka dib isbeddel dhawaan lagu sameeyay xeer hoosaadka golaha qaran ee xeer dejinta.
Arrimaha wasiirka laga doonaya inuu faahfaahin dhameystiran ka bixiyo waxaa ka mid ah gaabad la sheegay inuu ku yimid dokumeentiyada diiwaangelinta dhalashada ee isbitaallada dalka.
Sidoo kale waxaa uu ka jawaabi doonaa su’aal uu soo gudbiyay xildhibaanka Koonfurta Mandera Cabdul Haro oo doonaya inuu ogaado halkala gaarsiiyay qorshaha xarumaha diiwaangelinta shacabka looga furaya degmo kasta oo dalka ka tirsan.