Kongareeska Chile oo yareeyay saacadaha la shaqeeyo toddobaadkii

0
281

Xeer dejiyaasha dalka Chile ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyey hindise sharciyeed ku aaddan in la yareeyo saacadaha ay toddobaadkiiba shaqeeyaan shacabka wadankaasi.
Saacadahan oo horay ahaa 45 ayaa lagu soo reebay 40 saacadood isbuuc kasta.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinaya xuquuqda shaqaalaha sidoo kalena lagu wanaajinaya waxqabadkooda.
Waxaa qorshahan codkooda ku taageeray 127 ka mid ah xubnaha Kongareeska Chile halka 14 ay ka soo horjeesteen.