Madaxweynaha dalka oo sheegay in dowladda qaadaneynin amaah lacageed si ay u bixiso mushaarka shaqaalaha

0
327

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta sheegay in dowladdu aynan qaadan doonin amaah lacageed si ay u bixiso mushaarka shaqaalaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xaaladda la hadal hayo ay tahay mid ay dowladdu maareynaysa.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu maanta daahfuray warbixin ku saabsan qiimeyn lagu sameeyay waxqabadka wasaaradaha dowladda dhexe, waaxyaha hoos tago shirkadaha dowliga ah iyo machadyada lagu barto farsamada.