Isbeheysiga Kenya Kwanza oo soo saaray toddobo qof oo ku matalaya wada hadallada

0
298

Siyaasiyiinta ka tirsan isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ka dib waxay shaaciyeen magacyada toddobada xubnood ee ku matali doono wada hadallada ay la yeelanayaan garabka mucaaradka ee Azimio.
Shakhsiyaadkan ayaa kala ah xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye , senatarka ismaamulka Kakamega Bonnie Khalwale, xildhibaanka deegaanka Tharaka George Murugara,Essie Okenyeri oo si magacaabid ah ugu biirtay aqalka sare , mudanaha deegaanka galbeedka Kibwezi Mwengi Mutuse, wakiilka haweenka ee ismaamulka Taita Taveta Lydia Haika iyo senatarka ismaamulka Bomet Hillary Sigei.
Kulanka maanta waxaa guddoominayay madaxweynaha dalka William Ruto waxaana xubnaha la soo xushay lagu amray inay dhigooda mucaaradka ula xaajoodaan iyadoo si adag loogu hoggaansamaya dastuurka dalka.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare Aaron Cheruyoit ayaa sheegay inay raacayaan soo jeedintii madaxweynaha dalka ee ahayd in wada hadalladu aynan noqon kuwo ka baxsan xeerarka wadanka u degsan.
Bayaan ay warbaahinta u akhriyeen hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka Kimani Ichung’wah iyo dhigiisa aqalka sare Aaron Cheruyoit ayay ku sheegeen inaynan talo ka qaadanayn Raila Odinga.
Sidoo kale waxay sheegeen inay taageerayaan qorshaha lagu dhimaya qarashaadka ku baxa wax soo saarka beeraha.
Ichung’wah ayaa madaxa mucaaradka ee dalka Raila Odinga u sheegay inaynan marnaba ka oggolaan doonin in lagu qasbo adeegsiga nidaamyadii maamulkii hore sida in dowladdu ay soo celiso miisaaniyad ay ku kabi jirtay shidaalka.
Siyaasiyiintan ayaa xusay inay garab siinayaan dadaallada dowladda dhexe ay wax uga qabanaysa xaaladda dhaqaale ee dalka si loo yareeyo qiimaha sarreeya ee maciishadda , in shaqo abuur la sameeyo iyo in horumarka uu noqdo mid loo dhan yahay.
Isbeheysiga Azimio ayaa maalmo ka hor soo saaray guddi ka kooban toddobo xubnood oo ku matali doono wada hadallada waxayna shakhsiyaadkan kala yihiin senatarka ismaamulka Nairobi sidoo kalena ah xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna, Senatarka Narok Ledama Ole Kina, dhigiisa Kitui Enoch Wambua, xildhibaanka deegaanka Rarieda Otiende Amollo , dhiggisa Koonfurta Pokot David P’Kosing Millie Odhiambo ( Waqooyiga Suba ) iyo dhigeeda deegaanka Malindi Amina Mnyanzi .
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhankiisa horay u soo dhaweeyay hab loo wada dhan yahay oo lagu buuxinaya jagooyinka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC.
Ruto ayaa ku adkeystay in wada xaajooodka ka dhexeynaya dowladda iyo mucaaradka keliya loo maraya hab baarlamaani ah.
Hasa ahaatee,madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inuu doonayo in wada hadallada lagu soo daro khuburro kale.
Mucaaradka dalka ayaa kulankii uu toddobaadkii hore ku yeeshay ismaamulka Machakos ka sheegay in qodobbada ugu muhiimsan ee ay doonayaan inay kala hadlaan siyaasiyiinta matalaya dhinaca dowladda ay yihiin yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda iyo in la furo keydka guddiga doorashooyinka.
Raila Odinga ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan mudaaharaadyadii ay hakiyeen haddii wada hadalladu aynan noqon kuwo wax ku ool ah.