Filibiin iyo Maraykanka oo billaabay dhoolatus militari

0
300

Dowladaha Maraykanka iyo Filibiin ayaa si wadajir ah u billaabay dhoolatus militari oo lagu tilmaamay midkii ugu waynaa ee sanadla ah.
Waxaa dhoolatuska ka qayb galaya in ka badan 17,000 oo ciidamo ah.
Munaasabaddan oo loo yaqaano Balikatan ayaa ciidamada ka qayb qaadanaya waxay isugu jiraan 12,200 ka mid ah ciidamada Maraykanka iyo 5,400 oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Filibiin iyo wakiillo kale oo matalaya dalal ay Australia ka mid tahay.
Dhoolatuskan ayaa la qorsheeyay inuu socdo ilaa 28-ka bishan Afaraad.