Kenya Kwanza oo maanta soo saaraysa xubnaha ku matali doono wada hadallada

0
350

Isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza ayaa maanta kulan ku yeelan doono xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa isugu yeeray xildhibaannada si loo soo xulo shakhsiyaadka ka qayb galaya wada hadallada la qorsheynaya inay yeeshaan mucaaradka iyo dowladda dhexe.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya iyadoo siyaasiyiinta isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ay ku adkeysanayaan in qodobka la xiriira in dib loo furo keydka doorashooyinka uu yahay mid aan laga tanaasuli karin.
Shirka maanta ayay siyaasiyiinta Kenya Kwanza uga arrinsan doonaan qaabka ay uga falcelinayaan shuruudo ay Azimio wada hadallada ku xireen toddobaadkii hore ka dib markii ay ku shireen ismaamulka Machakos.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichungwa ayaa horay u sheegay inuunan jiri doonin wada hadal u dhexeya mucaaradka iyo dowladda oo ka baxsan baarlamaanka.
Mucaaradka dalka ayaa dhankiisa sheegaya inuunan kalsooni buuxda ku qabin keliya baarlamaanka oo uu doonaya inay geeddisocodkan qayb ka noqdaan khuburro kormeeraya wada hadallada.
Isbeheysiga Azimio ayaa maalmo ka hor soo saaray guddi ka kooban toddobo xubnood oo ku matali doono wada hadallada waxayna shakhsiyaadkan kala yihiin senatarka ismaamulka Nairobi sidoo kalena ah xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna, Senatarka Narok Ledama Ole Kina, dhigiisa Kitui Enoch Wambua, xildhibaanka deegaanka Rarieda Otiende Amollo , dhiggisa Koonfurta Pokot David P’Kosing Millie Odhiambo ( Waqooyiga Suba ) iyo dhigeeda deegaanka Malindi Amina Mnyanzi .