3 qof oo loo xiray baadari lagu dilay Bungoma

0
286

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay saddex eedeysanayaal oo lala xiriirinaya dilka baadari lagu magacaabi jiray David Slyvester Ngeiwa oo dhawaan ka dhacay Mt Elgon oo ka tirsan ismaamulka Bungoma.
Dilkan ayaa la gaystay 7-dii bishan Afaraad.
DCI ayaa magacyada tuhmanayaasha la xiray ku kala sheegtay Job Mosobin oo ku magacdheer Malilo, Geoffrey Kimutai oo loo yaqaano Kus Kus iyo Andrew Ngeiwa oo loo yaqaano Michuki .
Waxay baadariga weerareen abaare 9-kii fiidnimo xilli uu dukaankiisa xirayay iyagoo ku hubeysan nooca qoriga ee AK47.